Dacwad ka dhan ah Joho oo la dhageysan doono bisha Sagaalaad

0
451

Waxaa uu qorshuhu yahay in 17-ka bisha Sagaalaad ee sanadkan ay maxkamaddu eegto dacwad loo gudbiyay taasi oo looga soo horjeedo in barasaabkii hore ee ismaamulka Mombasa Cali Xasan Joho loo magacaabay xil wasiirnimo.
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa sheegay in bisha dambe la qiimeyn doono waxyaabaha lagu saleynaya dacwaddan oo uu maxkamadda geeyay guddi ku diiwaangashan magaca Genesis for Human Rights Commission.
Guddigan ayaa Joho ku eedeynaya ku lug lahaanshaha dembiyo dhaqaale.
Waxaa uu guddigan maxkamadda waydiistay in wasiirka laga hor istaago gudashada waajibaadkiisa shaqo ilaa iyo inta ay maxkamadda ka dhageysanaysa oo ay go’aan kama dambeys ah ka soo saareysa dacwadda ka dhanka ah siyaasigan.
Agaasimaha fulinta ee guddigan Caleb Ngwena, ayaa warqad dhaarasho ah oo uu maxkamadda la wadaagay ku sheegay in baarlamaanka uu si sharci darro ah u ansixiyay magacaabidii Cali Xasan Joho , wasiirka macdanta iyo kheyraadka badaha ee dalka.
Waxaa uu Caleb ku doodaya in golaha qaran ee xeer dejinta uu iska indha tiray qoraal ay gudbiyeen oo uu ku tilmaamay mid lagu saleeyay caddeymo loo cuskanaya sababta uunan Joho ugu qalmin qabashada xilka wasiirnimo.
Garsoore Lawrence Mugambi ayaa guddiga dacwadda geeyay ku amray in ay dokumeentiyada la wadaagaan garyaqannada Joho muddo 7 cishe gudaheeda ah.