Dab xooggan oo maalinkii labaad saameyn ku yeeshay Israa’iil

0
720

Saraakiisha waaxda dab damiska ee Israa’iil ayaa maalinkii labaad la tacaalaya dab xooggan oo faafaya oo shalay ka billowday meel u dhow magaalada Quddus..
Booliiska ayaa sheegay in dib loo furay waddooyin muhiim oo dhowr ah oo horay loo xiray.
Dabka ayaa ka kacay waddada wayn ee xiriirisa magaalooyinka Quddus iyo Tel Aviv waxaana halkaasi laga daadgureeyay kumanaan shacab ah.
Waaxda dab damiska ee Israa’iil ayaa laga soo xigtay in la howlgeliyay 163 sarkaal iyo 12 diyaaradood si dabka loo xakameeyo.
Adeegga xaaladaha caafimaad ee degdegga ah, musiibooyinka, gurmadka gaadiidka iyo keydinta dhiigga ee Israa;iil ee Magen David Adom ayaa laga soo xigtay inuu daaweeyay 23 ruux oo ay waxyeello ka soo gaartay qiiqa dabka qaarkoodna ay ku dhaawacmeen ama ay ku gubteen.