Suuqa ugu weyn magaalada Gaarisa ee loo yaqaano Suuq Mugdi ayaa saaka dab qabsaday.
Wali ma cadda sababta keentay dabka.
Bakhaaro dhowr ah ayaa waxyeelo soo gaartay, waxaana burburay dukaamo badan.
Ciidamada Booliska iyo gawaarida dab damiska ah ayaa goobta ku sugan kuwaas oo wali xakamaynaya dabka.
lamana oga ilaa hadda wax khasaare ah oo ka dhashay.
Dabka ayaa in ka badan laba saacadood ka socday bartamaha magaalada Gaarisa.
Wararka ugu dambeeyay dhacdadan ayaa sheegaya in dabkaas intiisa badan la xakameeyay.