Waxaa lagu soo warramayaa inuu dab qabsaday qaybta ay ardayda seexdaan ee jaamacadda Kabianga oo ku taalla deegaanka Belgut ee ismaamulka Kericho.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabka uu burburiyay hanti aan weli qiimaheedu la cayimin.
Waxaa laga shakisan yahay in cillad ku timid korontada ay sababtay in ay gubato qayb ka mid ah meelaha ay ardayda seexdaan.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid la soo tabiyay inay waxyeello ka soo gaartay dhacdadan.