Waxaa lagu soo warramayaa in dab uu ka kacay mid ka mid ah xerooyinka qaxootiga ee ay ku jiraan xubnaha bulshada Rohingya ee dalka Bangladesh.
Dhibaatadan ayaa saameysay Koonfurta Bangladesh, waxaana hooy la’aan ku noqday kumannaan qof sida ay sheegeen sarkaal ka tirsan waaxda dab damiska iyo qaramada midoobay
Dabka ayaa ka kacay xerada loo yaqaano Camp 11 oo ay ku jiraan in ka badan hal milyan oo qaxooti ah oo badankooda ka soo barakacay howlgalkii militari ee Myanmar ee sanadkii 2017-kii.
Ilaa iyo hadda lama soo tabin wax dhimasho ama dhaawac oo ka dhashay dhacdadan.