Dab ka kacay suuqa Gikomba ee magaalada Nairobi

0
460

Ganacsatada suuqa Gikomba ee magaalada Nairobi ayaa tirinaya khasaare kale oo soo kordhay ka dib markii uu dab kale ka kacay suuqa caanka ah ee lagu iibiyo badeecadaha subaxnimadii hore ee maanta.
Dabka ayaa la sheegay in uu ka kacay qeybta kabaha ee suuqa ku dhagan wadada Lamu ee Pumwani ee deegaanka Majengo. Sida la sheegay, dabka ayaa kacay 3-dii subaxnimo ee saaka.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaan barlamaaneedka Kamukunji Yuusuf Xasan oo dhacdadan xaqiijiyay ayaa sheegay in saraakiisha dabdamiska dowladda hoose ee Nairobi iyo dadka rayidka ah ay si degdeg ah uga falceliyeen dabka.
Ilaa hadda lama oga sababta keentay in uu dabka kaco.
Ma ahan markii ugu horreysay oo suuqa caanka ah uu dab ka kaco.
Dhacdadii ugu dambeysay ayaa dhacday 1-dii bishii hore ee April halkaas oo dab xoogan uu ka kacay qaybta suuqa ee Kwa Mbao kaasoo saameyay dhammaan aagga iyo saldhigga basaska ee deriska la ah.
3-dii bilood ee u dhambeeyay waa markii saddexaad ee dab ka kaco suuqan caanka ah.
9-kii April, madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa waxaa uu faray booliiska iyo hay’adaha kale ee baarista inay baaraan arrinta dabka joogtada ah ee suuqyada caanka ah sida Gikomba iyo Toi.
Waxaa uu sidoo kale soo bandhigay xalalka suurtagalka ah ee musiibooyinka soo noqnoqda, oo ay ku jiraan in la dhiso suuqyo casri ah oo si buuxda u qalabaysan, oo ay ku jiraan qalabka xakamaynta dabka.