Waxaa qayb ka mid ah dhul daaqsimeedka deegaan baarlamaneedka Koonfurta Wajeer saameeyay dab ka kacay degmada Booji Yareey.
Xildhibaanka Koonfurta Wajeer Maxamad Cadoow oo ka mid ahaa dadkii ka qayb qaatay xakameynta dabkaasi ayaa dowladda hoose ee ismaamulka Wajeer ku boorriyay in ay xoojiso gargaarka degdegga ah sida baabuurta dab damiska.