Dab ka kacay Dugsiga Sare ee Onjiko ee ismaamulka Kisumu

0
320

Dab ayaa lagu soo waramayaa in uu ka kacay mid ka mid ah qolalka jiifka ee dugsiga sare ee Onjiko ee dowlad deegaanka Kisumu.
Waxaa la soo wariyay in dabkan uu qabsaday guri laba dabaq ka kooban oo ay ardeyda sexanaayeen fiidnimadii Isniinta.
Illa iyo hadda wax khasaare nafeed oo ka dhashay majiraan dabka balse waxaa uu geestay khasaare hantiyeed oo dhan kumanaan shillin.
Sidoo kale lama oga sababta keentay dabka iyadhoo dadka ay isla dhex marayaan warar sheegaayo in dabka si ula kac ah loo shiday maadama ay ardeyda ku maqnaayeen fasalada.
Dugsigan ayaa dhawaan lagu soo rogay xayiraad saddex sano ah oo dhanka ciyaaraha dugsiyada sare eh maadama uu dugsiga tartanka ciyaaraha u diiwaan geliyay shakhsiyaad aan ardey rasmi ka eheen iskuulka.
Waxaa xusid mudan in bilaha June iyo July ay caan ku yihiin falalka dabka ee ka dhaca dugsiyada sare ee Kenya, iyadoo khubarada ay sheegeen in xilliyada ay ku dhow yihiin mar walba xilliga imtixaanaadka.
Dhacdada Onjiko ayaa dhacday wax ka yar 48 saac kadib markii dab laga soo sheegay dugsiga sare ee gabdhaha ee Embakasi ee ismaamulka Nairobi.