Waxaa lagu soo warramayaa inay dad badan ku dhinteen dab saameeyay dhisme ku yaalla magaala madaxda dalka Vietnam ee Hanoi.
Warbaahinta maxalliga ee wadankaasi ayaa ku warramaysa in hadda ay socdaan howgallada samatabixinta.
Dabka ayaa la soo tabiyay inuu dhismahaasi qabsaday abaare saqdii dhexe ee xalay in kastoo 2-dii habeenimo la demiyay sida ay qortay wakaallada wararka ee Vietnam ee (VNA).
Dhismaha oo ka koobnaa ilaa sagaal dabaq ayaa waxaa ku noolaa 150 qof.
Waxaa uu ku yaallaa Koonfurta Galbeed ee magaalada Hanoi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la soo badbaadiyay 70 qof oo 54 ka mid ah isbitaallada loola cararay.
Maamullada ayaan weli xaqiijin tirada rasmiga ee dhimashada.