DAAWO:Faarax Macallin oo qarax ka badbaaday

0
926

Ku xigeenka madaxa xisbiga Wiper Faarax Macallin ayaa khamiistii ka badbaaday miinada dhulka lagu aaso oo ay wararku sheegayaan in la geliyay waddada Liboi ee ismaamulka Garissa oo lagu waday inay adeegsadaan kolonyo baabuur ah oo uu la socday.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu siyaasigan ku sheegay in ciidamada ammaanka ay arrintaasi ka war heleen oo ay baabuurta ka weeciyeen waddadaasi.
Waxaa uu intaasi ku daray in la howlgeliyay khuburrada qaabilsan burburinta bambooyinka.
Faarax Macallin ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay intuu ciidamada ammaanka uga mahadcelinaya tallaabada ay qaadeen si waxyeello looga badbaado.