Waxaa lagu soo warramayaa in biyaha ay gudaha u galeen kumanaan guriyo ah oo ku yaalla magaalada Hue ee dalka Vietnam.
Tani ayaa timid ka dib markii roobab culus oo ka da’ay magaaladaasi ay daadad ka dhasheen.
Magaalada taariikhiga ah ee Hue ayaa caan ku ah arrimaha dalxiiska.
Muuqaallo iyo sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya waddooyin ay biyuhu buuxdhaafiyeen iyo baabuur badan oo halkaasi ku xayiran.
Waxaa dhanka kale la daadfureeyay in ka badan 2,000 oo qof bartamaha gobolka Quang Tri halkaasi oo ay maamullada maanta sheegeen in saddex qof lagu la’yahay.