Cumar Cabdirishiid iyo Cabdiraxmaan Faroole oo isku haya arrinta Boosaaso

0
584

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamad Faroole, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid uu khilaafay bayaankii ay ka soo saareen arrinta Boosaaso.
Faroole ayaa sheegay in Cumar Cabdirashiid uu la ogaa howsha ay wadeen, balse uu si lama filaan ah uga baxay garabkooda markii ay soo saareen bayaanka.
Cumar Cabdirashiid ayaa qoraal uu ku baahiyey boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku yiri “Waxaan caddaynayaa inaan la igala tashan oo aanan qayb ka ahayn bayaankan soo baxay iyo hadallada uu xambaarsanaa, Boosaaso dhibka soo gaaray xal iyo baaq nabadeed keliya u dan ah”.
“Cumar baan idinka dacwooneynaa, Cumar ama dadka ku soo dara ama siyaasad dambe yuu ka hadlin, isagoo Prime Minister raadinaya yaan la arkin” ayuu ka sheegay goob uu uga hadlayay arrimaha Boosaaso madaxweynihii hore ee Puntland
Bayaankaas uu sheegay in aan lagala tashan ayaa waxay ergada siyaasiyiinta ah ku sheegeen in qodobbadii talo soo jeedinta ahaa ee isimadu soo saareen aynan khusaynin ergada talana aynan ku lahayn, oo sidii ay ku ballameen, waa sida loo dhigay, aan markii hore lala wadaagin ee ay qoraalkaa ku arkeen baraha bulshada oo aanu ahayn mid wax u taraya xasiloonida iyo wadajirka Puntland.