Cumar Cabdirashiid “Shacabka Soomaaliyeed diyaar ha u ahaadaan dagaal uu ku soo dhiiran karo Abiy Axmad”

0
237

Ra’iisul wasaarahii hore ee dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dagaal uu ku dhiiran karo ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya Abiy Axmad.
Cumar Cabdirashiid oo wareysi siiyay Hanoolaato ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay difaac xoog leh ka galaan damaca Itoobiya ku dooneyso qayb ka mid ah biyaha Soomaaliya, islamarkaana Abiy Axmad uu yahay nin wax walba ay ka suurtoobaan.
“Abiy Axmad isaga oo Addis Ababa qarka loo taagan yahay ayaa ka shaqaynaya kala qaybinta ama kala goynta Soomaaliya, waxa aan qabaa in aan la yareysan waayo wax badan ayuu ku dhiiran karaa sida in uu dagaal soo qaado marka waxaa loo baahan yahay in laga feejignaado” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.
Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda dalalka Urur goboleedka IGAD inaysan aqbalin codsi uu dirsaday Abiy Axmad.
Dowladda Itoobiya ayaa horraantii bishan heshiis kula gashay magaalada Addis Ababa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo la xiriiray in Itoobiya ay hesho qayb ka mid ah biyaha Soomaaliya, taas beddelkeedana Itoobiya Somaliland u aqoonsaneyso dowlad madax banaan, hayeshee Itoobiya ayaa damacaasi kala kulantay waji gabax.