COTU oo ku talisay in la xakameeyo shirkadaha madaxa bannaan ee soo saaro korontada

0
345

Xoghayaha Guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee (COTU), Francis Atwoli ayaa saaka hor tagay guddiga arrimaha tamarta ee baarlamaanka.
Waxaa uu u gudbiyay soo jeedinta COTU ee ku aaddan in la yareeyo qiimaha korontada ee dalka.
Atwoli ayaa ku baaqay in dowladda laga doonaya inay xakameyso shirkadaha sida madaxa bannaan u soo saaro korontada ee (IPPs) iyadoo meesha ka saareysa dhammaan heshiisyadii lala galay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in arrintan lagala hadlo shirkadda soo saarta korontada ee KenGen ama in la soo dhiso shirkado kale oo intii ay korontada soo saaraan qiimo macquul ah ugu qaybin karo macaamiisha.