COTU oo ku baaqday in shaqaalaha loo kordhiyo mushaaraadka

0
358

Xoghayaha Guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee COTU , Francis Atwoli ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu dhaqangeliyo nidaam guud oo shaqaalaha loogu kordhinaya mushaarka ay qaataan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay howlwadeennada ka fududaynaysa culeysyada nololeed ee jira.
Atwoli ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wayn looga qayb galo xuska maalinta shaqaalaha ee Labour Day ee 1-da bisha Shanaad ee sanadkan oo lagu qaban doono Uhuru Gardens ee ismaamulka Nairobi si loola tacaalo caqabadaha ay shacabka wajahayaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Moses Kuria uu dhawaan soo jeediyay in shaqaalaha joogtada ah ee dowladda loo beddelo kuwo qaab qandaraas ah ku shaqeeya.