Ururka Dhexe ee Ururada Shaqaalaha (Kenya) ee loo soo gaabiyo COTU ayaa ku baaqay in la tarxiilo muwaadin Shiinees ah oo laga duubay muuqaal isaga oo weeraraayo shaqaale Kenyaan ah.
COTU ayaa sheegtay in muwaadinka Shiinaha uu yahay maareeye ka tirsan Warshadda TCM Mabati ee magaalada Eldoret, shaqaalaha la weerarayna uu ka shaqeynayay warshadaas.
War saxaafadeed loo diray Wasiirka Arrimaha Gudaha Kipchumba Murkomen, Ururka ayaa sheegay in dhacdadan ay tahay xadgudub weyn oo ka dhan ah xuquuqda iyo sharafta dadka ay dhibaatada saameysey iyagoo intaa ku daray inaysan oggolaan doonin weerar ay ajaanibta u geystaan Kenyaanka.
Sidaas darteed waxaa ay ku baaqeen in si degdeg ah loo masaafuriyo shaqaalaha Shineeska iyagoo sheegay in hadii arrintaas la sameyn waayo ay tahay khiyaano loo geestay Kenyaanka kalsoonida ku qabo wasaaradaas.
COTU ayaa sidoo kale ku boorrisay Wasiir Murkomen, oo kaashanaya Wasaaradda Shaqada iyo Ilaalinta Bulshada, inay xoojiyaan tallaabooyinka la socodka, u hoggaansanaanta, iyo fulinta ee la xiriira ganacsiyada ay maamulaan muwaadiniinta shisheeye.
Tani ayaa timid ka dib markii COTU ay sidoo kale soo bandhigtay walaac la mid ah iyadoo ku baaqday in la masaafuriyo maalgashade kale oo Shiinees ah oo ka howl gala Aagga Dhoofinta (EPZ) kaasoo aan ku qasbin kaliya shaqaalaha Kenyaanka inay qaadaan heesaha Shiinaha ka hor, inta lagu jiro, iyo ka dib shaqada, balse sidoo kale aflagaadeeyay Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Dharka iyo Harqaanleyda.




