Congo iyo Rwanda oo gudbiyay hindise nabadeed

0
378

Congo iyo Rwanda ayaa gudbiyay hindise nabadeed taasoo qayb ka ah geeddi-socod loogu talagalay in lagu soo afjaro dagaallada ka socda bariga Congo laguna soo jiito balaayiin doollar oo maalgashi reer galbeedka ah, ayuu Isniintii sheegay la taliyaha sare ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Afrika.
Waa talaabadii ugu dambeysay ee hamiga ee maamulka Trump uu ku doonayo in lagu soo afjaro colaada tobanaan sano qaadatay ee ka jirtay gobolka qaniga ku ah macdanta sida.
Wasiirradda arrimaha dibadda ee labada dal ayaa bishii hore ku heshiiyay, xaflad ka dhacday Washington oo uu weheliyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, in hindisaha qabyada ah la gudbiyo 2-da bishan May.
Laakiin xukuumadaha Kinshasa iyo Kigali midkoodna si cad aan u xaqiijin inay sidaas sameeyeen, wasiirka arrimaha dibadda ee Rwanda Olivier Nduhungirehe ayaa Sabtidii bartiisa X ku sheegay in tabarucaadka labada dhinac “aan weli la midayn.”
Massad Boulos, oo ah lataliyaha sare ee Trump ee Afrika iyo Bariga Dhexe, ayaa Isniintii bartiisa X ku sheegay in uu soo dhaweynayo hindisaha nabadeed oo uu ku tilmaamay inuu yahay tallaabo muhiim ah oo ay gaareen labada dhinac.