Dowladda dalka Colombia ayaa amar ku bixisay in wadankaasi ay iskaga baxaan dibloomaasiyiinta ka soo jeeda Argentina.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday wasaaradda arrimaha dibadda ee Colombia.
Tani ayaa loo aaneeyay in madaxweynaha Argentina, Javier Milei uu jeediyay hadal dhaawacaya sumcadda dhigiisa Colombia Gustavo Petro.
Hoggaamiyaha Argentina ayaa lagu dhaliilay inuu Gustavo ku tilmaamay argagixisa iyo dilaa taasi oo ay qoonsatay dowladda Colombia.