Waare: Colaadda laga dhex abuuro labo beelo waa iskudaygii ugu dambeeyay ee lagu fashiliyo dagaalka Al-Shabaab

0
291

Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Maxamad Cabdi Waare, ayaa sheegay inay socdaan qorshayaal lagu fashilinayo guulaha reer Hiiraan ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab.
Qoraal uu bartiisa Twitter ku soo daabacay, ayuu madaxweyne hore Waare ku sheegay in colaad laga dhex abuurayo beelaha Abgaalka iyo Xawaadle, si Al-Shabaab loo siiyo fursad ay kaga faaidaystaan colaaddan.
“Shabaabkii waan kaga adkaanay furrimaha dagaalka, si kastaba ha ahaatee hadda ayaa la isku dayayaa in dib loogu soo celiyo furrimaha, dagaalka laga dhex hurinayo beelaha Xawaadle iyo Abgaal ayaa ah isku daygii ugu dambeeyay ee arrintan.
Madaxweyne hore Waare ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabelle iyo hoggaanka Dowladda federalka Soomaaliya inay joojiyaan arrintan.

Hadalka madaxweynihii hore ee Hirshabeelle ayaa ku soo beegmay, iyadoo muranka ka taagan gobolka Hiiraan ee u dhexeya Hirshabeelle iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan uu hakiyay ololihii ka dhanka ahaa Al-Shabaab.
Khilaafka ayaa sii xoogeystay markii madaxweynaha Hirshabeelle uu xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan 16-kii bishii hore.
Arrintaas oo keentay in guddoomiye Cali Jeyte uu Beledweyne kaga dhawaaqo maamul ka madax bannaan Hirshabeelle oo lagu magacaabo Hiiraan State, isagana uu madaxweyne ka yahay.
Kooxda Al-Shabaab oo ka faa’ideysanaysa khilaafyada siyaasadeed ee ka jira gobolka Hiiraan ayaa iskudayaysa inay dib u qabsadaan deegaanadii ay ka qabsadeen ciidamada dib u xoraynta beesha Xawaadle.