Codsi ay Azimio ku dooneysay inay qayb ka noqoto dhageysiga dacwadda 4-ta sarkaal ee IEBC oo burburay

0
315

Codsiga uu isbeheysiga mucaaraadka ee Azimio La Umoja-One Kenya uu ku doonayay inuu qayb ka noqdo dhageysiga baaritaannada ay wajahayaan afar sarkaal oo ka tirsanaa guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa burburay.
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga uu hoggaamiyo garsoore Aggrey Muchelule ay diideen codsiga kaga yimid isbeheysiga Azimio.
Garsoore Muchelule ayaa xusay in sababta ay codsiga u diideen ay dib ka soo sheegi doonaan.
Qareenka matalaya isbeheysiga Azimio Danstan Omari ayaa tilmaamay in ay racfaan ka qaadan doonaan marka uu guddigan soo gudbiyo go’aanka diidmada oo dhameystiran.
Afarta sarkaal ee IEBC oo 3 ka mid ah is casileen ee baaritaannada wajahaya ayaa kala ah guddoomiye ku xigeenkii IEBC Juliana Cherera ,Francis Wanderi, Justus Abonyo iyo Irene Masit oo aan wali is casilin.
Saraakiisha ayaa lagu dhaliilay go’aan ay bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ka qaateen natiijadii doorashadii guud saacado ka hor inta uunan ku dhawaaqin guddoomiyaha IEBC,Wafula Chebukati