Xafiiska diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed ee wadanka ayaa shaaca ka qaaday in codbixiyeyaasha doonaya inay xubno ka noqdaan xisbi ay haystaan ilaa 26-ka bishan Saddexaad.
Waxaa arrintan warbaahinta u sheegtay Hope Nandwa oo ah iskuduwaha xafiiska diiwaangelinta xisbiyada ee waqooyiga gobolka Rift Valley.
Waxay tani mincnaheedu tahay in qofkii aan xisbi ka tirsanayn marka taariikhdaasi la gaaro aynan u suurtageli doonin inuu ka qayb qaato isreebreebka dhacaya ka hor codeynta guud.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada loogu jiro in dhammaan Kenyaanka qaangaarka ah ay fursad u helaan ka qayb qaadashada doorashada guud ee wadanka ka dhici doonto bisha Siddeedaad ee sanadkan.