Cleophas Malala oo noqday xoghayaha guud ee UDA

0
242

Senatarkii hore ee ismaamulka Kakamega Cleophas Malala ayaa si rasmi ah xilka xoghayaha guud ee xisbiga UDA ugala wareegay Veronica Maina oo si magacaabid ah ugu biirtay aqalka sare.
Tani ayaa timid ka dib kulan uu yeeshay golaha qaran ee fulinta xisbiga UDA ee NEC oo ay guddoominayeen madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua oo ah madaxda ugu sarreysa ee xisbigan.
Barasaabka ismaamulka Embu ,Cecily Mbarire ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay xilka guddoomiyaha UDA.
Waxay beddeshay senatarkii hore ee Machakos Johnson Muthama oo is casilay maadaama uu xubin ka noqonaya guddiga adeegga baarlamaanka.
Senatarkii hore ee Mombasa haatanna xubin ka ah golaha xeer dejinta bariga Afrika ee EALA, Xasan Cumar ayaa loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDA wuxuuna beddelay Kipruto Arap Kirwa.
Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka waqooyiga Kitutu Chache Japheth Nyakundi ayaa laga dhigay qasnad-hayaha UDA wuxuuna beddelay Omingo Magara halka xildhibaanka deegaanka Mwala ee dowlad deegaanka Machakos Vincent Musyoka uu noqday xoghayaha dhanka abaabulka ee xisbiga.
Waxaa isbeddelladan xaqiijiyay afhayeenka xisbiga UDA Wanjohi Githae oo sheegay in mas’uuliyiintan xilalka loo dhiibay ay si ku meel gaar ah u sii hayn doonaan ka hor doorasho qaran oo uu dabayaaqada sanadkan qaban doono xisbiga.
Dhanka kale xisbiga UDA ayaa lagu wadaa inuu Arbacada billaabo diiwaangelinta xubnaha cusub tani oo socon doonto ilaa 30-ka bisha Afaraad ee sanadkan ka hor inta aan la dooran hoggaanka ku matalaya deegaannada.