Ciraaq:In ka badan 113 qof oo ku dhintay dab ka kacay gobolka Nineveh

0
183

Ugu yaraan 113 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dab ka kacay goob ay ka socotay xaflad aroos taasoo ku taalla gobolka Nineveh ee Waqooyiga dalka Ciraaq.
Saraakiisha maxalliga iyo howlwadeennada ka falceliya xaaladaha degdegga ah ayaa laga soo xigtay inay dhacdadaasi ku dhaawacmeen in ka badan 150 qof oo dheeraad ah.
Dabka ayaa la soo tabiyay abaare 10:45 habeenimo ee xalay.
Waxaa khasaaraha nafeed ee dabka ka dhashay wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka gobolka Nineveh , Xasan al-Allaq .
Guddoomiyaha gobolkaasi ,Najim al-Jubouri ayaa sheegay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto.
Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee dalka Ciraaq Saif al-Badr ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay mid nasiib darro ah wuxuuna sheegay in loo gargaaraya dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay.
Degmada Hamdaniyah ee dabka laga soo tabiyay ayaa dhanka Waqooyi uga beegan magaalada Mosul oo ilaa 400 oo kiilomitir u jirta caasimadda Ciraaq ee Baghdad.