Dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in Maraykanka uu ugu yaraan 16 ruux oo ay rayid ka mid yihiin ku dilay duqeymo uu halkaasi ka gaystay.
Afhayeen u hadlay dowladda Ciraaq ayaa sheegay in 25 qof oo dheeraad ah la dhaawacay.
Waxaa uu cambaareeyay duqeymaha Maraykanka oo uu ku tilmaamay daandaansi hor leh oo ka dhan ah gobonnimada Ciraaq.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Maraykanka uu soo saaray digniin ah inuu sii wadi doono weerarrada ka dhanka ah ciidamadiisa ee ay gaysanayaan kooxo dowladda Iiraan lagu eedeyo inay garab siiso kuwaasii oo ku sugan gudaha dalalka Ciraaq iyo Syria.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo ka dhacay dalka Jordan lagu dilay 3 ka mid ah ciidamada Maraykanka.




