Ciraaq oo raalgelin ka dalbatay Turkiga

0
337

Dowladda Ciraaq ayaa Turkiga ka dalbatay inuu raaligelin ka bixiyo weerar la sheegay in xukuumadda Ankara ay ka gaysatay garoon diyaaradeed oo ku yaalla gobolka waqooyi ee kurdiyiinta.
Madaxtooyada Ciraaq ayaa weerarka lala eegtay garoonka Sulaimaniyah ku tilmaantay mid daandaansi oo ka dhan ah madax banaanideeda.
Hasa ahaate sarkaal u hadlay wasaaradda arrimaha difaaca ee Turkiga ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee Turkiga aynan maalmihii la soo dhaafay gobolkaasi ka fulin wax howlgal ah.