Ciraaq oo lix sarkaal u xirtay dab ka kacay suuq ganacsi oo ay dad ku dhinteen

0
421

Ciraaq ayaa xirtay lix sarkaal oo maxalli ah waxayna shaqada ka joojisay shaqaale kale oo dadweyne ka dib dab ay ku dhinteen 61 qof oo ka dhacay suuq ganacsi horaantii todobaadkan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.
Dabkan oo Arbacadii ka kacay suuq ganacsi oo dhawaan laga furay magaalada Kut ee bariga dalkaasi, ayaa ah masiibadii ugu danbaysay ee ka dhacda wadankaasi oo inta badan la iska indhotirin shuruucda ammaanka.
Baaritaan bilow ah ka dib, wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in “ay jirtay dayacaad cad oo soo wajahday dhowr mas’uul iyo shaqaale” ka tirsan maamulka Kut, oo ku taal meel 160 kiiloomitir (100 mayl) koonfur bari ka xigta Baqdaad.
Waxaa ay intaa ku dartay in saddex sarkaal oo maxalli ah, oo uu ku jiro madaxii difaaca madaniga ah ee Kut, la xiray, iyadhoo 17 shaqaale ah shaqada laga joojiyay ilaa amar dambe.
Guddiga daacadnimada, oo ah hay’ad ka hortagta tuuganimada, ayaa markii dambe sheegtay in ciidamada ammaanka ay xabsiga dhigeen saddex sarkaal oo kale.
Saraakiisha ayaa sheegay in baaritaankooda uu wali socdo, lagana yaabo in tirada dadka loo xiray arrintan ay isbedesho.
Dabka ka kacay suuqa ganacsiga ayaan si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysay, balse mid ka mid ah dadkii ka badbaaday dabka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in qaboojiyaha uu ku qarxay dabaqa labaad ka hor inta aan dhismahan oo ka kooban shan dabaq uu si degdeg ah u gubanin