Warbixin uu maanta soo saaray maamulka qaran ee ololaha ka dhanka ah isticmaalka maandooriyaha ee NACADA ayaa lagu sheegay in daroogada Khamriga uu yahay balwadda loogu isticmaal badan yahay wadanka.
Gudaha wadanka waxaa khamriga isticmaala mid ka mid ah siddeedii qof ee kenyaan ah oo ay da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 65 sano una dhiganta 3.1 milyan oo qof.
Warbixinta ayaa lagu eegayay heerka adeegsiga maandooriyaha ee gudaha dalka.
Isticmaalka khamriga waxaa ugu badan Galbeedka oo ah boqolkiiba 23.8 , waxaa soo raacda Xeebta oo ah boqolkiiba 13.9 halka bartamaha dalka ay tahay boqolkiiba 12.8.
Marka la eego isticmaalka xashiishka waxaa ugu horreeya ismaamulka Nairobi oo ah boqolkiiba 6.3 ee mid ka mid ah 53-dii qof oo kenyaan ah oo ay da’doodu u dhexeyso 15 sano ilaa 65 sano.
Waxaa soo raaca gobolka Nyanza boqolkiiba 2.4 iyo Xeebta oo ah 1.9 boqolkiiba.
Tirada dadka isticmaala xashiishka ayaa tan iyo sanadkii 2017-kii korortay boqolkiiba 90.
— NACADA Kenya (@NACADAKenya) September 11, 2023