Ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa Galmudug & Al-Shabaab ayaa sacaadihii la soo dhaafay ku dagaalamay degaanka Qayacad oo qiyaastii sideed KM u jirta degaanka Bacaadweeyne ee gobolka Mudug .
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in Al-shabaab howlgalkii maanta looga dilay 35 Xubnood iyo Saraakiil halka tiro kale ay ka dhaawaceen.
Taliyaha ayaa xusay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay Al-Shabaab ka furteen saanad ciidan islamarkaana howlgallada ka dhanka ah ay ka sii socon doonaan degaannada Gobolka Mudug.
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaa degaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Galguduud ee maamulka galmudug howlgaladaasi oo ay qeyb ka yihiin ciidamadda Daraawiishta iyo Nabadsugida Galmudug.
Home Wararka Soomaaliya Ciidanka xoogga Soomaaliya oo sheegay inay dileen Saraakiil & xubno Shabaab ah