Hoggaamiyaha Golaha Madaxbannaan ee Suudaan, Cabdel Fattah al-Burhan, ayaa ku dhawaaqay in ciidanka dalka laga saaray El Fasher, ka dib markii magaalada ay qabsadeen Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee (RSF-ta).
Tani ayaa waxaa ay daba socotaa ku dhawaaqidii RSF-ta ee Axaddii ay ku sheegtay inay “xoreeyeen” xarunta Qaybta 6-aad ee ciidanka ee El Fasher ka dib dagaallo xooggan oo halkaas ka dhacay, iyagoo howlgalka ku tilmaamay guul muhiim ah oo muujinaysa burburka saldhiggii ugu dambeeyay ee ciidanka Suudaan ee gobolka.




