Ciidanka Suudaan oo jebiyey go’doomintii lagu hayay magaalada muhiimka ah ee Koonfurta Suudaan ee Kadugli

0
375

Ciidamada milatariga Suudaan ayaa Talaadada maanta ah jebiyay go’doomin ay ku hayeen Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) magaalada Kadugli, oo ah caasimadda gobolka Koonfurta Kordofan, sida ay AFP u sheegeen laba ilo oo ka tirsan milatariga.
Ilo ka mid ah milatariga ayaa sheegay in ciidamada ay galeen Kadugli isla markaana ay ka qaadeen go’doomintii saarneyd.
Magaalada Kadugli, oo ay saameeyeen macluul iyo cunto yari, ayaa muddo dheer ku jirtay go’doomin ay ku hayeen RSF iyo xulafadooda deegaanka, kuwaas oo dagaal kula jiray milatariga rasmiga ah ee Suudaan tan iyo bishii April ee 2023.