Xiisado colaadeed oo aad u kacsan ayaa xalay ilaa saaka laga dareemayaa magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland.
Ciidamada mucaaradka oo awal hore ku sugnaa bannaanka magaalada, ayaa lagu waabariistay iyagoo gudaha u soo galay qaybo ka mid ah magaalada, islamarkaana jidgooyo dhigtay qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee Garoowe.
Warar aynu helnay ayaa sheegaya in arrintan ay ka dambeysay ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in baarlamaanka Puntland uu doonayo inuu soo horumariyo furista dastuurka, si ay wax uga beddelaan qodobbo ku saabsan tirada xisbiyada siyaasadeed.
Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegayaa inuu gadaal ka riixayo in baarlamaanku dadajiyo furista dastuurka, waxaana uu hadda ciidamo aad u badan geeyay xarumaha dowladda iyo jidadka qaar, si uu uga hortaggo in mucaaradka ay weerar soo qaadaan.
Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee iska soo horjeeda ayaa saameyn weyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka, sidoo kale dadweynaha deggan aagga xarunta baarlamaanka ayaa billaabay inay qaxaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in magaalada aroornimadii hore ee maanta laga maqlayay daryanka qoryaha darandooriga u dhaca, kuwaas oo ay isticmaalayeen ciidamada mucaaradka ee la baxay kumaandooska Danab.
Ciidankan ayaa maalmo ka hor baarlamaanka uga digay inay qaadaan tallaabo kasta oo ku saabsan arrimaha dastuurka, iyagoo sheegay inay la xisaabtami doonaan ciddii falkaas ku kacda.
Home Wararka Soomaaliya Ciidanka Puntland iyo kuwa mucaaradka oo saaka isku horfadhiya gudaha magaalada Garoowe