Taliska ciidanka Danab ee Puntland ayaa beeniyay inay wadaan dhadhaqaaqyo ciidan oo mar kale sababi kara inuu dagaal ka dhaco magaalada Garoowe ee caasimadda maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Bayaan kooban oo xalay ka soo baxay Danab ayaa lagu sheegay in aan dadka lagu barakicin warar been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.
Hadalka taliska ciidanka Danab ka soo baxay ayaa ku soo aaday, xilli cabsi laga qabay in 20-ka bishan marka uu baarlamaanka wax ka beddelayo dastuurka, ay horseedo gacan ka hadal mar kale ka dhaca magaalada Garoowe.
Weli wax heshiis ah lagama gaarin khilaafka ka taagan arrimaha doorashada.
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku adkaysanaya inuu dastuurka la furo, xilli siyaasiyiinta mucaraadka iyo madaxdii hore ee dalka Soomaaliya ay ku baaqeen in laga feejignaado furista dastuurka, in doorashadu ay dhaafto 8 bisha Koowaad ee sanadka dambe.
Dadka Puntland ayaa welwel weyn ka muujinaya in heshiis la’aanta mucaaradka iyo maamulka ay horseedi karto in Puntland colaad lugaha la gasho.
Inkastoo ay socdaan dadaalo wax ku ool ah oo lagu baajinayo wax kaste oo keeni kara gacan ka hadal.
Home Wararka Soomaaliya Ciidanka mucaaradka Puntland oo beeniyay inay Garoowe ka wadaan dhaqdhaaqyo ciidan




