Ciidanka Eritrea iyo Xoogga Tigrayga oo lagu eedeeyay inay danbi dagaal gaysteen

0
519

Hay’adda caalamiga ah ee xaquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ciidamada ammaanka dowladda Eritrea iyo dagaalyahanada Kooxda TPLF waxay ku eedaysay inay danbiyo dagaal ka gaysteen gobolka waqooyi ee dalka Ethiopia ee Tigray ka dib markii kufsi,xarig iyo dil loo gaystay dad qaxooti Eritrean ah oo ku sugnaa gobolkaasi.
Warbixin ay maanta soo saartay Human Rights Watch ayay ku sheegtay weeraro kala duwan oo lagu qaaday labo xero oo ku yaalla gobolka Tigray halkaasoo ay ciidamada maxaligu dagaalo culus kula galayeen kuwa dowladda dhexe ee Ethiopia iyo xulufadeeda Eritrea tan iyo bishii 11-aad ee sanadkii hore.
Tobanaan kun oo ka mid ah qaxootiga Eritrea ayaa ku nool gobolka Tigray oo ah gobol Buuraleey sabool ah ayna ku nool yihiin ku dhawadaa 5 milyan oo qof
Dilalka foosha xun,kufsiga iyo boobka ka dhanka ah xaqootiga Eritrean-ka ee ku sugan gobolka Tigray waxay si cad u noqonayaan danbiyo dagaal sida ay sheegtay Laetitia Bader oo ah agaasimaha Human Rights Watch ee geeska Africa.
Dhibaatooyinkaan ayaa lagu ogaaday waraysiyo lala yeeshay 28 qof oo xaqooti ah iyo ilo kale oo ay ku jiraan wasiirro .
Hay’adda ayaa sheegtay inuusan wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea ka jawaaabin wicitaankooda lagu ogaan lahaa xoggo dheeraad ah balse dowlada Eritrea ayaa horay u beenisay xasuuqyo la sheegay inay gobolka ka dhaceen waxayna sheegtay inaysan ciidamadeedu dadka rayidka ah bartilmaameedsan
Afhayeenka kooxda TPLF ayaa si rasmi ah u sheegay in ciidamadoodu ay dhawaan gaareen aagaas balse ay dhici karto inay xadgudubyada gaysteen maleeshiyaadka deegaanka.
Kal hore gobolka Tigray ee Ethiopia ayaa martigaliyay ku dhawaad 150,000 oo qaxooti Eritrean kuwaasoo ka soo cararay gaajada iyo amarrada dowladda oo kuwa kalitalisnimo ah lagu tilmaamay.
Warbixinada ugu badan ayaa diiradda lagu saaray labada xero ee kala ah Shimelba iyo Hitsats kuwaasoo dagaallada lagu burburiyay, HRW ayaana UNHCR ka soo xigatay in 7,643 qof oo ka mid ahaa 20,000 oo qaxooti ku nolaa xeryaha ay Hitsats iyo Shimelba ay maqan yihiin.
UNHCR ayaa sheegtay inay arrin laga murugoodo tahay dhibaatada daran ee ka jirta xeryahaas oo aysan u suuragelin inay tagaan laga soo billaabo bishii 11-aad ee sanadkii hore ilaa bishii saddexaad ee sanadkan.
In kastoo dagaalo aad u xumaa u dhexeeyay dalalka Ethiopia iyo Eritrea sanadihii 1998-2000 ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof haddana Ra’isul wasaaraha dalka Ethopia Abiy Axmed ayaa isku soo dhawaansho la sameeyay madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki taasoo uu sanadkii 2019-kii ku muteystay billadda nabadda ee Nobel Peace Prize waxaana la sheegay inuu Abiy Asmara taageero milatari uga helay dagaalka Tigray.
Ciidamada Eritrea ayaa la sheegay inay magaalada Waqooyi ee Hitsats gaareen 19 November iyagoo sida warbixinta lagu sheegay laayay dadka deegaanka sidoo kalena qabsaday xeradii ay ku jireen Qaxootigu
Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa hay’adda Human Rights Watch u sheegay in guri kasta qof lagu dilay.
Tobaneeyo ka mid ah dadka eegaanka ee magaalada Hitsats ayaa la sheegay in isku dhacyadaas lagu dilay sida warbixinta HRW lagu sheegay.
Warbixinta ayaa lagu xusay inaysan HRW awoodin inay ogaato inta ay gaarsiisan tahay wadashaqaynta ka dhexaysa ciidamada rasmiga ee Tigray iyo maleeshiyaadka deegaanka.
Wax yar ka dib ciidamada ammaanka Eritrea ayaa xiray 24 qof oo qaxooti ah kuwaasoo aan dib lo arag sida ay hay’addu warbixinteeda ku sheegtay sidoo kale waxaa dib Eritrea loogu celiyay 17 qof oo dhaawacmay.
Haweenka qaarkood ayaa sheegay in ciidamada Tigraygu ay kufsadeen intii ay cararayeen sidoo kale mid haweenkaan ka mid ah oo 27 sano jir ah ayaa sheegtay in ayada iyo walaasheed oo 17 sano jir ah ay dagaalyahanada Tigraygu kufsadeen
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa shalay u sheegatay wakaaladda wararka ee Reuters inay aad uga walaacsan yihiin xaaladda ay hadda ku sugan yihiin 20,000 qaxootiga Eritrea ah oo ku nool xeryaha Mai Aini iyo Adi Harush maadaama ay wajahayaan xaalado nololeed oo ay ugu daran yihiin biyo la’aan cunto, la’aan iyo daryeelka caafimaadka oo aan la heli karin.