Ciidanka dowladda Soomaaliya oo dib uga baxay deegaano dhowr ah oo ay kala wareegeen Al-Shabaab

0
318

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay dib uga soo baxeen qaar ka mid ah deegaanadii ay dhawaan kala wareegeen kooxda Al-Shabaab.
Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay dib uga gurteen deegaanada kala ah Ceel Dheer, Masagawaay, Budbud iyo Galcad oo dhamaantood ka tirsan gobolka Galgaduud.
Warkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo shalay gelinkii hore ciidanka dowladda ay isaga baxeen deegaanka Wabxo, islamarkaana ay dib ugu soo laabteen deegaankaasi kooxda Al-Shabaab.
Majirto wax dagaal ah oo laga soo wariyay deegaanadaan ay ciidanka dowladda Federaalka dib uga gurteen.
Dhanka kale, Taliyaha guutada 26-aad ee Cali Ibnu Abu-Taalib Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ku sugan degmada Ceelbuur ayaa sheegay in ciidanka dowladda meelaha qaar ay uga baxeen istaraatijiyad dagaal.
“Waxyaabo yar yar oo istiraatijiyad darteed dib looga gurtay oo si tartiib ah gadaal looga baxay ayaa jira, ciidanka Ceelbuur qabtayna waa isku filan yahay” ayuu yiri Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik.