Ciidanka booliiska degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa xalay gacanta ku soo dhigay saddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo watay hub.
War ka soo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in la soo qabtay raggaan iyagoo moota Bajaaj ku watay Qori RBG ah, oo la sheegay inay damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka gobolka Banaadir.
Booliiska ayaa sheegay in raggaan lagu soo qabtay howlgal ka dhacay degmada Dayniile, waxayna ku soo aaday qabashadooda labo maalin ka dib markii ciidanka sidoo kale soo qabteen hub iyo waxyaabo qarxa oo lagu qabtay degmada Hodan.
Laamaha ayaa qabtay hubkaasi oo lagu rarayay gaari Hoomeey ah iyo raggii gacmaha kula jiray.
Booliiska ayaa sheegay in hubkan loo adeegsan lahaa in weerar lagu fuliyo, balse ay ka hortageen.




