Ciidamo tagay guriga madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka

0
467

Ciidamo boolis ah ayaa la arkayay iyagoo ku hareeraysan guryaha madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua fiidnimadii xalay, kuwaas oo la sheegay in ay ku raad joogeen Gachagua.
Arrintan ayaa waxaa xaqiijiyay xulafada Gachagua iyo Qareenkiisa oo lagu magacaabo Ndegwa Njiru, kaasoo walaac ka muujiyay in ciidamo booliis ah la geeyay guryaha Gachagua ee Karen iyo Wamunyoro.
Sida uu sheegay Njiru, saraakiishu waxa ay wadeen baadi goobka Gachagua, oo sidoo kale ah hogaamiyaha xisbiga cusub ee DCP.
Ilaa iyo hadda lama shaacin sababaha keentay in ciidamo lagu arko guriyaha madaxweyne ku xigeenkii hore ee Qaranka.
Hadalka Njiru ayaa yimid xilli inta badan dadka isticmaala baraha bulshada ay soo bandhigeen macluumaadka sawiro muujinaya askar boolis ah oo ku sugan guryaha Gachagua fiidnimadii xalay oo axad ahayd.
Hogaamiyaha Wiper Kalonzo Musyoka ayaa walaac ka muujiyay caga jugleynta socota iyadoo ay jiraan wararka sheegaya in la qorsheynayo in la xiro Rigathi Gachagua; sida uu xaqiijiyay Qareenkiisa Ndegwa Njiru.