Ciidamo lagu dilay qarax miino oo laga gaystay deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa

0
374

Tuhmanayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa qarax miino oo ay ku dhinteen ilaa 3 askari oo ka tirsan ciidanka booliiska Kenya ka gaystay waddada dheer ee xiriirisa deegaanka Dadaab iyo magaalada Garissa .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tiro kale ay ku dhaawacmeen qaraxan.
Guddoomiye ku xigeenka dowlad dhexe ku matala deegaanka Dadaab Kipkirui Siele ayaa xaqiijiyay qaraxan lagu dilay ciidamada .