Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka qarxay magaaladaasi.
Waxaa ay wararku intaasi ku darayaan in la maqlaya dhawaqa rasaasta.
Rasaasta la maqlayo ayaa u dhexeysa ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa mucaaradka oo maalmihii la soo dhaafay isku hor fadhiyay qaybo ka mid ah magaalada.
Dagaalka ayaa la soo sheegaya inuu ka billowday xaafado ay ka mid yihiin, Kowda Agoust, Baarlamaanka ilaa jidka soddonka ee magaalada Garoowe.
Waxaa jirta cabsi aad u weyn oo dadka deegaanka soo foodsaartay.
Sidoo kale, fadhiga baarlamanka Puntland ayaa hadda furmay, iyada oo sida hore loo shaaciyay ajanduhu yahay dhegeysiga warbixinnada guddiyada.