Qarax miino oo ah nooca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fogfog ayaa waxaa saaka laamiga dheer ee degmada Deyniile gaar ahaan halka loo yaqaan Ceelka Ifis lagula beegsaday gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Khasaaro dhaawacyo ah ayaa ka dhashay qaraxa oo gaaray dad shacab ah oo waddada xilliga uu qaraxu dhacaayay marayay, halka sidoo kalena khasaaro uu gaaray Ciidanka lala beegsaday oo saarnaa gaari nooca Soomaalida u taqaano Tikniko.
Dad goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku soo warrameen in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba qof oo shacab ah, sidoo kalena ay jiraan khasaaro soo gaaray Ciidankii weerarkan lala beegsaday.
Ciidankii saarnaa gaariga la qarxiyay ayaa dhankooda rasaas culus furay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo isugu jira milatari iyo Booliis kuwaas oo hataan baaritaan wado.
Laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin qaraxaasi ka dhacay magaalada Muqdisho.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo falalka amni darro sida qaraxyada iyo dilal qorsheysan ay muddooyinkii dambe ku soo badanayay qaybo ka mid ah caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Home Wararka Soomaaliya Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo qarax khasaaro gaystay lagula beegsaday Muqdisho




