Ciidamada Koonfur Galbeed oo laga wareejiyay sugidda amniga goobta shirka

0
284

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed laga wareejiyay sugidda amniga goobta lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta.
Wararka ayaa sheegaya in amniga goobta shirka iyo meelaha ay degayaan xubnaha mucaaradka ay la wareegeen ciidamada ka socda dalka Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamad Nuur (Madoobe) ayaa kulan saacado socday la qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta qaybta 3-aad ee ATMIS.
Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud ee magaalada iyo nawaaxigeeda, iyadoo saraakiisha ciidanka ATMIS ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS u sheegeen in ay sugi doonaan amniga guud ee magaalada, goobta shirka lagu qabanayo ee Baydhabo, wufuudda imaaneysa iyo amniga madaxda qaranka.