Ciidamada Ruushka oo duqeeyay anteenooyinka telefishinnada caasimadda Kyiv

0
608

Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine ay duqeeyeen anteenooyinka telefshinnada ku yaalla caasimadda Kyiv.
Duqaynta ka hor ayay Ruushka u digeen dadka caasimadda Kyiv ku nool.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeyntan ay ku dhinteen shan qof oo rayid ah.
Wargeyska The Kyiv Independent ee ka soo baxa dalka Ukraine oo ku hadla afka luuqadda Ingiriiska islamarkaana uu fadhigiisu yahay caasimadda dalkaasi, ayaa sheegay in telefishinada Ukraine ay joojiyeen baahinta weerarka ka dib.
Star Fm si madax bannaan uma xaqiijin karto xaqiiqada warkan.