Ciidamada Ruushka oo 32 kiilomitiri u jira caasimadda Ukraine ee Kyiv

0
446

Waxaa ay u muuqataa in ciidamada Ruushka gaar ahaan kuwa ku duula dalaayadaha ay gudaha u galeen dalka Ukraine.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan ay 20 mayl ama 32 kiilomitiri u jiraan caasimadda Kyiv ee wadanka Ukraine.
Wariye ka tirsan teleefishinka CNN ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa si toos ah u tabinaya muuqaalka ciidamada dalaayadaha ku duula oo la arki karo iyaga oo deggaya.
Waxaa la sadaalinayaa in dagaal xooggan u qarxo.
Kolonyo gaadiidka gaashaaman ee Ruushka ah ayaa si dhaqsi ah ugu talaabay xuduudda Ukraine iyaga oo maray dhinaca Crimea iyo Belarus.