Ciidamada Qaramada Midoobay ee DRC oo ka baxay saldhig militari

0
306

Howlgalka nabadsugidda qaramada midoobay ee DRC ayaa lagu soo warramayaa inuu ciidamo ka saaray saldhigga militari ee Rumangabo.
Waxay la dagaallamayeen fallaagada M23 ee ay dowladda dalkaasi dowladda Rwanda ku eedeynaysa inay garab siiso.
Howlgalka MONUSCO ayaa qoraal ku sheegay in ka bixitaanka saldhiggaasi ay tahay tallaabo istaraatiiji ah oo xeeladeysan.
Qoraalka waxaa ku cad in arrintan lagala tashaday saaxiibbada qaramada midoobay si loo qaado tallaabooyin wanaagsan oo diyaar garow ah.
Faahfaahin intaasi ka badan lagama bixin tallaabadan.