Ciidamada ammaanka ee dalka Nigeria ayaa soo samata bixiyay 14 arday oo horay looga afduubtay gobolka ku yaalla Waqooyiga Galbeed ee wadankaasi ee Zamfara .
Ardaydan ayaa ka mid ah ugu yaraan 20 laga afduubtay dugsi ay dhiganayeen.
Maamullada dalkaasi ayaa intaas ku daray in saraakiisha ay weli raadinayaan ardayga kale ee aan weli la soo xoreyn.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii rag hubeysan ay afduubka ka gaysteen dugsi ku yaalla degmada Bungudu waxayna kaxeysteen arday iyo shaqaale.
Tani iyo markii uu madaxweynaha Nigeria, Bola Axmad Tinubu uu bishii Shanaad ee sanadkan uu qabtay hoggaanka wadankaasi , waxaa kordhay weerarrada afduubka ee lagu bartilmaameedsado dugsiyada dalkaasi.