Ciidamada Nairobi oo labo qof u xiray ka ganacsiga daroogada

0
206

Ciidamada qaabilsan la dagaallanka maandooriyaha ee ismaamulka Nairobi ayaa gacanta ku dhigay labo eedeysanayaal oo loo haysto ka ganacsiga balwadda.
Tani ayaa timid ka dib markii ay saraakiisha howlgal ka sameeyeen guri ku yaalla aagga Joska ee waddada Kangundo Road.
Waxaa halkaasi lagu soo qabtay Laban Ochieng Odera iyo Ann Nyambura Njoki oo labaduba 21 sano jir ah.
Tuhmanayaasha ayaa lagu helay nooca daroogada ee xashiishka.
Eedeysanayaasha ayaa la geeyay saldhigga booliiska ee Muthaiga iyagoo maraya baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.
Saraakiisha booliiska ayaa laga soo xigtay in labada ruux lagu helay 10 kiilogaraam oo xashiish ah.
Qiimaha lacageed ee daroogadan ayay ciidamadu ku sheegeen 300,000 oo shilin.