Ciidamada militariga ee Maraykanka oo kaashanaya dhigooda Ingiriiska ayaa sheegay inay soo rideen 18 ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay adeegsanaysay kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
Diyaaradahan iyo gantaallo ayaa lagu weeraray Koonfurta Badda Cas.
Maraykanka ayaa intaasi ku daray in sidoo kale la soo riday labo ka mid ah gantaallada lagu bartilmaameedsado maraakiibta.
Weerarkan ayaa ahaa midkii 26-aad ee ay Xuutiyiinta isbuucii toddobaad ay ku qaadeen marinnada shirkadaha maraakiibta caalamiga ah.
Kooxdan ayaa dhankeeda wacad ku martay inay weerarradan sii wadi doonto ilaa iyo inta ay Israa’iil ka soo afjaraysa duullaanka militari ee Qaza.