Ciidamada KDF oo la geynaya meelaha ay burcaddu saameysay

0
300

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in ciidamada militariga wadanka la geyn doono ismaamullada ay saameeyeen falalka burcadnimo.
Qaar ka mid ah deegaannada xoolo dhaqatada ee waqooyiga gobolka Rift Valley ayaa waxaa ku soo noqnoqday dhacdooyinka burcadnimo ee dilalka shacabka iyo dhaca xoolaha.
Ducaale ayaa hoosta ka xarriiqay in iyadoo la fulinaya amar ka soo baxay madaxweynaha dalka William Ruto in saraakiisha KDF-ta ay garab siin doonaan ciidamada kale ee la dagaallamaya kooxaha burcadda ee hubeysan.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii weerar maalmo ka hor dhacay lagu dilay ilaa 6 qof oo afar ka mid ah ay ahaayeen ciidamada ammaanka.