Ciidamada israail oo dhaawacay 30 Falastiiniyiin ah

0
780

Ciidamada Israa’iil ayaa gudaha u galay dhismaha Masjidka Al-Aqsa ee ku yaalla bariga magaalada Quddus ee la haysto, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 30 Falastiini ah oo ay ku jiraan saddex wariye.
Duulaanka cusub ee Israael ayaa dhacay Jimcaha maanta .
Waxaa iskhorimaad xoogan dhexmaray ciidamada israael iyo shacabka Falastiin oo ka caraysan ciidamada Isreil oo gudaha u galay masjidka barakeysan ee AL Aqsa
Hay’ada Bisha Cas ee Falastiin ayaa tirada Falastiiniyiinta ku dhaawacantay ku sheegtay 31, oo ay ku jiraan 14 ka mid ah loo qaaday cisbitaal si loo daweeyo.
Booliska Israel ayaa dhankooda sheegay in hal askari uu ku dhaawacmay kadib markii uu ku dhacay dhagax.