Ciidamada Israa’iil oo toogasho ku dilay ugu yaraan 25 qof

0
342

Ciidamada Israa’iil ayaa toogasho ku dilay ugu yaraan 25 oo ku sugnaa meel gargaar cunto laga qeybinayay oo u dhow marinka loo yaqaanno Netzarim Corridor, ee koonfurta magaalada Qaza.
Koonfurta Qaza, ugu yaraan afar falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ku qaadeen teendho ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku yaalla deegaanka al-Mawasi oo u dhow magaalada Al-Qarara, ee waqooyiga magaalada Khan Younis, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan cisbitaalka Naasir