Ciidamada Israa’iil oo ku hareereysan isbitaal ku yaalla Jenin

0
411

Ciidamada militariga ee Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa in ay ku hareereysan yihiin isbitaalka magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Waxaa sidatan warbaahinta u sheegay agaasimaha xaruntaasi caafimaad Wissam Bakr.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay Israa’iil duullaan ka wado Daanta Galbeed ee la haysto ee Falastiin.
Goor sii horreysay ayay ahayd markii isbitaalkaasi la geeyay meydadka afar qof oo ay dileen ciidamada Israa’iil iyo toddobo kale oo dhaawac ah.